DHAGEYSO:Madaxtooyada dalka oo faahfaahisay kulan ku saabsan maaliyadda

Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa faahfaahin ka bixisay kulan uu ka qeyb galay hoggaamiyaha wadanka kaasi oo diiradda lagu saarayay sida Kenya ay uga faaiidaysan karto horumarka dhinaca teknoolojiyadda si loo fududeeyo bixinta adeegyada maaliyadeed.
Afhayeenka madaxtooyada Mrs. Kanze Dena Mararo oo shir jaraaid qabatay ayaa sheegtay in Mr. Kenyatta ay ka go’an tahay inuu xoogga saaro sidii dalku uu meel uga gaari lahaa arrimaha maaliyadda ee ku saleysan teknoolojiyadda.
Waxay carrabka ku dhufatay in ujeedada laga leeyahay shirka ka dhacaya Nairobi inay tahay sidii looga shaqeeyn lahaa in mustaqbalka qof weliba oo Kenyaan ah uu si fudud lacago ula baxo meel kasta oo uu ku sugan yahay iyadoo aynan qasab ahayn inuu bangiga tago.
Mrs. Dena oo faahfaahinaysa muhiimadda uu shirkan u leeyahay shacabka iyo guud ahaan dalka ayaa waxaa hadaladeeda ka mid ahaa

 

Kulankan oo soconayo laba maalmood ayaa ah midkii ugu horreeyay ee caalami ah waxaana in la soo qabanqaabiyo iska kaashaday bangiga dhexe ee CBK iyo maamulka maareynta lacagaha ee dalka Singapore.
Waxaa ka qeyb galaya kumanaan qof oo ah wufuud ka kala socoto wadamada qaaradaha Afrika iyo Aasiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here