DHAGEYSO:Madaxweyna ku xigeenka oo shir ku qabtay xaruunta xisbiga Jubilee

Madaxweynaha ku xigeenka William Ruto ayaa manata tagay xaruunta dhexe ee xisbiga talada haaya Jubilee iyada oo ay la socdeen ku dhawaad 40 xildhibaano ah.
Xulafada madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku andacoonaya inay tahay afgambin.
Ruto ayaa haatan waxa uu go’aansaday inuu fariisto xaruunta dhexe ee Xisbiga Jubilee todobaadkii laba jeer.
Waa markii seddaxaad uu booqanayo xaruunta dhexe ee xisbiga wax ka yar laba todobaad.

Ruto ayaa maanta waxa uu cadeeyay inuusan ka daaleynin inuu xaalad deganaan ah ku soo celiyo xisbiga, iyada oo ay jiraan astaamo muujinaya in asaga iyo madaxweynaha oo ah hoggamiyaha xisbiga uu xiriirkoodu wanaagsaneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here