DHAGEYSO:Madaxweyna Puntland oo balan qaaday dagaal ka dhan ah AL-shabaab

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul kaga hadlay falalka amni darrada ah maalmahaan kusoo kordhay deegaannada Maamulka Puntland oo qaarkood lagu dilay Mas’uuliyiin Sar sare oo maamulkaas ka tirsan.
Waxaa uu sheegay Deni in Xukuumadda uu hogaaminayo aysan ka niyad jebin doonin howlaha ay bulshada u hayaan,isla markaana falalkii lagu dilay Guddoomiyeyaashii Gobolada Nugaal iyo Mudug ay dad u hayaan,dhawaana Maxkamada la soo taagi doono.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni wuxuu sheegay in puntland ay wado qorsho amni,sidoo kale ay ku raadjoogaan Xubno ka tirsan Daacish iyo Al-Shabaab, ayna Puntland dagaal adag la geli doonto kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddo laab bilood gudahood ah deegaannada Maamulka Puntland lagu dilay labadii Guddoomiye ee Gobolada Mudug iyo Nugaal oo uu ugu danbeeyay gudoomiyihii gobolka Mudug dhanka Puntland AUN Axmed Muuse Nuur oo shalay qarax ismiidaamin ah logu dilay xili uu marayay gudaha Magaalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here