DHAGEYSO:Madaxweynaha cusub oo Galmudug oo sheegay inay la hadlayaan cidii tabasho qabto

Madaxweynaha cusub ee Dowald goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ee maanta lagu doortay Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu wada-hadal la furi doono cid kasta oo tabasho qabta.
Waxa uu ugu horeyn mahad celiyey dhamaan bulshada ku nool deegaannada Galmudug si gaar ah hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca oo uu sheegay in heerkaan ay soo gaarsiiyeen Galmudug.
Sido kale waxaa uu codsaday in garab lagu siiyo xilka loo doortay oo uu xusay inaysan mas’uuliyad fudud ahayn

Waxaa uu dhanka kale sheegay inuu ka shaqeyn doono midnimada iyo horumarka Galmudug,isla markaana uu horseedi doono dib u heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed oo gaarta dhinac kasta isagoo ku baaqay in wixii tabasho ah oo la kala qabo qaab wada hadal ah lagu dhameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here