DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo Arbacada kulan la qaadanaya barasaabyada ismaamullada

Madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu maalinka Arbacada ah la kulmo guddoomiyaasha ismaamullada dalka.
Waxaa uu xusay in si loo xakameeyo faafitaanka caabuqa corona ay lagama maarmaan tahay in qorshaha dowladda dhexe laga qeyb geliyo barasaabyada 47-da dowlad deegaan ee uu wadanka ka kooban yahay.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in guddoomiyaasha laga doonayo inay la yimadaan istaraatiijiyad la xiriirta qaabka ay u adeegsanayaan 5 bilyan oo shilin oo loo qoondeeyay inay kula tacalaan cudurka.
Waxaa uu xusay in shuruudda lagu xirayo ismaamullada ay ka mid tahay in mid kasta uu lahaado ugu yaraan 300 oo sariir oo lagu daaweyn karo dadka uu cudurka haleelo .
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tusaale u soo qaatay ismaamulka Siaya oo uu sheegay inuu leeyahay 10 sariir oo keliya oo loogu talagalay bukaannada cudurka Covid-19.

Dhanka kale madaxweynaha dalka ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keentay in xayiraadda laga qaado ismaamullada Kwale iyo Kilifi welina Nairobi, Mombasa iyo Mandera ay uga sii jirayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here