DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo bulshada muslimiinta ah ugu baaqay inay dowladda la shaqeyaan

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa bulshada muslimiinta ah ee wadanka ku nool iyo guud ahaan Kenyaanka ugu baaqay inay xoojiyaan midnimada ka dhexeysa sido kalena ay maamulka talada haya garab ku siiyaan arrimaha horumarka.
Mr. Kenyatta ayaa xalay fiidkii tagay masjidka weyn ee Jamia ee magaaldatani Nairobi isagoo halkaasi boqolaal muslimiin ah kala qeyb galay afurka.
Madaxweyne Uhuru ayaa taariikhda dalka noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay oo isagoo xil qaran haya masaajid booqdo.
Afurka iyo salaadda maqrib ka hor madaxweynaha ayaa ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee masjidka Jamia sida maktanadda iyo xarunta telefishinka Horizon.
Muslimiinta ayuu masjidka dhexdiisa kula hadlay isagoo ku nuuxnuuxsaday in dowladda uu hoggaamiyo ay ka go’antahay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo kala qeybinta shacabka.
Bulshada ayuu ku booriyay inay wadajir muujiyaan oo ay dhinac isaga dhigaan kala duwanaanshaha diimeed ee ka dhexeya.
Waxaa uu wax lagu faano ku tilmaamay in Kenya ay si nabad ah ugu wada noolyihiin malaayiin qof oo haysta diimo kala duwan sido kalena ka soo jeedo qabaail kala gedisan.
Mr. Kenyatta ayaa carrabka ku dhuftay inaynan jirin diin ogolaanayso in rabshado la sameeyo isagoo intaasi raaciyay inaan marnaba la ogolaan doonin in qof lagu xadgudbo dowladdana ay dhammaan shacabka si siman oo cadaalad ku dheehan ay ugu adeegayso.
Waxaa uu cadowga dalka ku tilmaamay qof waliba oo ka soo horjeedo midnimada Kenyaanka iyo horumarka dalka
Mr. Kenyatta ayaa sido kale amar ku bixiyay in muddo saddex toddobad gudahood la soo fasaxo konteeynarro sida alaab iyo cunnooyin ay timirta ka mid tahay oo laga keenay dalka dibadiisa oo ku xayiran dekadda Mombasa.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale oo halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay inay dowladda si buuxda ugala shaqeynayaan arrimaha horumarka gaar ahaan amniga.
Aadan Barre Ducaale ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee twitarka ku sheegay inay madaxweynaha u bandhigeen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay in jaamacadda Umma la siiyo aqoonsi buuxa oo dhanka dowladda iyo in sido kale in maalinka ciiddul ad-haa laga dhigo maalin qaran oo fasax ah.
Qasnad hayaha masjidka Jamia Prof. Cabdulatiif Essaajee ayaa madaxweynaha dalka u sheegay in muslimiinta Kenyaanka ah ay dhibaato ku qabaan helidda aqoonsiga qaran iyo baasaboorka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay madaxweynaha ka codsanayaan in meesha laga saaro dhaqanka sida uu hadalka u dhigay takoorka qarsoon ah ee muslimiinta lagu turxaan bixiyo marka ay qaadanayaan dokumeentiga muhiimka ah.
Prof. Essaajee ayaa walaac ka muujiyay inay jiraan muslimiin badan oo turxaan bixintan ay ka hor istaagtay inay helaan xuquuq dastuur ah.
Sido kale madaxweynaha ayuu ka codsaday inuu wax ka qabto dilalka sharci darrada ah iyo dadka la waayo ee lagu eedeyay saraakiisha ammaanka oo uu xusay inay caqabad ku tahay la dagaalanka xagjirnimada.
Mas’uulkan ayaa sheegay in culimaudiinka muslimiinta ay dowladda garab ku siinayaan la dagaalanka musuqmaasuqa oo ay sameynayaan wacyi gelin ballaaran oo ka dhan ah.
Waxaa uu dhanka kale barasaabka Nairobi Mike Sonko ka codsaday inuu qaado talaabada habboon ee ku aaddan la tacaalidda baararka iyo goobaha lagu caweeyo ee ku yaalla agagaarka masjidka Jamia oo uu sheegay inay culeys ku keenaan gudashada cibaadada.
Madaxweynaha ayuu sido kale uga mahadceliyay inuu ka shaqeeyay in xarunta socdaalka laga sameeyo qeyb gaar ah oo howlahooda loogu fududeynayo dadka doonaya inay soo xajiyaan.
Madaxweynaha oo ka hadlaya arrimo dhowr ah oo madaxda muslimiinta ay u bandhigeen ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa isna sheegay inay ku guda jiraan in Muslimiinta la siiyo meel qofka marka uu dhinto lagu aaso kaddib markii lagu wargeliyay in qubuurta Langata ay buuxsameen .
Waxaa uu sido kale xusay inaan marnaba loo dulqaadan Karin arrin kasta oo caqabad ku ah ama carqaladeynayso howlaha cibaadada ee masjidka weyn ee Jamia.

Madaxweynaha dalka ayaa halkaasi lagu guddonsiiyay kitaabka quraanka oo lagu turjumay luqadda ingiriiska iyo shahaado muujinaysa inuu yahay madaxweynihii ugu horeeyay ee Kenya oo masaajidkaasi tago.
Madaxtooyada dalka ee State House ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in madaxweynaha uu horay xariga uga jaray cunnooyin loo qeybiyay masaajido kala duwan.
Cuntadan ayaa isugu jirtay 480 loor oo bariis ah 340 digir ah iyo 190 kaartoonada saliidda waxaana loogu talagalay 13 masjid oo ku yaalla magaaladatani Nairobi si loo gaarsiiyo dadka danyarta ah.
Madaxtooyada dalka ayaa sido kale xariga ka jaray baabuurta xamuulka oo lo’o sidday si masaajidda loogu wareejiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here