DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo codsaday in QM ay taageerto olole ay waddo dowladda Kenya

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo ka qeyb galaya fadhiga 74-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay ee magaalada New York, Maraykanka ayaa codsi u bandhigay xubnaha golahaasi.
Mr. Kenyatta ayaa dalalka xubnaha ka ah golaha UNGA ugu baaqay in dowladda Kenya ay garab ku siiyaan ololaha ay ugu jirto inay xubin ka noqoto golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Bisha lixaad ee sannadka soo socdo ayaa la filayaa inay dhacdo codeyn arrinkan ku aaddan waxayna Kenya bilooyinkii ugu dambeeyay wadday dadaalo ay ku doonayso inay howshan ugu guulaysato.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale midowga Afrika uga mahadceliyay inay taageero u muujisay Kenya isagoo sheegay in dowladda Kenya ay diyaar u tahay inay xalliso khilaafka dibloomaasiyadeed ee kala dhexeya soomaaliya.
Dhanka kale hoggaamiyaha dalka ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan uu la qaatay dhigiisa soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo kaasi oo ay uga wada hadleen wanaajinta xariirka ka dhexeya labada dal iyo xal u helidda muranka dhanka xuduudda badda

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here