DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo digniin ka soo saaray in la musuqmaasuqo lacagaha caafimaadka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowladda ay tallaabo adag ka qaadi doonto mas’uulkii isku dayo inuu musuqmaasuqo lacagaha loo qoondeeyay adeegyada caafimaadka gaar ahaan barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
Waxaa uu xusay in laga soo gudbay xilligii si aan habbooneyn loo adeegsan jiray kheyraadka dadweynaha

Digniinta ayuu Mr. Kenyatta diray xilli uu shalay ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ku daahfuray diiwaangelinta casriga ee barnaamijka UHC.
Madaxweyne Uhuru ayaa ku nuuxnuuxsaday inaysan jirin sabab loogu fashilmi karo dhaqangelinta qorshahan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in lagu guulaystay wajigii tijaabada ee nidaamkan iyadoo in ka badan 2 milyan oo qof loogu adeegay guriyahooda.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in mudadii ay tijaabada socotay la shaqaaleysiiyay 752 oo ah howlwadeeno caafimaad oo dheeraad ah.
Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale xildhibaanada baarlamaanka ka dalbaday inay dardargeliyaan ansaxinta shuruucda lagu soo dhisaya sanduuqa caafimaadka guud ee UHC.
Maamulka talada haya ee Jubilee ayaa horay u ballanqaaday inuu caafimaadka guud si buuxda u dhaqangelinaya ka hor sannadka 2022-ka oo lagu wado in ay dalka ka dhacdo doorasho guud.
Nidaamkan waxaa loo marayaa caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF waxaana looga faa’iidaysanayaa daryeelka caafimaadka ee bukaan socodka, bukaan jiifka , caafimaadka maskaxeed, umusha adeegyada degdegga, daaweynta kansarka , qaliinnada fudud iyo kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here