DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo goordhaw la hadli doono Kenyaanka

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta

Waxaa daqiiqadaha soo socdaan la filaya in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu khudbad qaran jeediyo si uu dib u eegis ugu sameeyo xayiraadaha iyo bandowga dalka saaran.
27-kii bishii saddexaad ee sannadkan ayay ahayd markii uu dalka galay xaalad Bandow ah si looga hortago caabuqa Corona Virus.
Kenyaanka ayaa maanta si weyn u hadal haaya go’aanka laga filan karo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa ayna hogaamiyaha dalka Ugu baaqeen inuu ka khafiifiyo xayiraadaha

Sido kale waxay sheegayaan inay filayaan in Mr. Kenyatta uu soo afjaro amarkii uu ku mamnuucay in loo safro ama laga soo baxo ismaamullada Nairobi, Mombasa, Kwale, Kilifi iyo Mandera.
Tallaabooyinka ay horay dowladda ugu dhawaaqaday si loo xakameeyo faafitaanka cudurka coronavirus ayaa waxaa sido kale ka mid ah inaan la soo gelin lagana bixin xaafadaha islii iyo Old Town oo ka kala tirsan magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kneyaatta ayaa bishi hore Kenyaanka rajo galiyay isagoona sheegay inay sii socon doonin in Kenyaanka guriyahooda sii joogaan.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay sare u kac laga dareemayay gudaha dalka xanuunka CoronaVirus iyadoona ay tirade guud marayso 2,474
Waxaana cudurkan dalka u dhimatay 79 iyadoona ay ka bogsadeen 643

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here