DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo hor kacay shacabka Kenyaanka ah daawadasha meydka Moi

Maydka Madaxweynihii labaad ee dalka Mzee Daniel Terootich Arap Moi ayaa saaka laga qaaday goobta meydadka la dhiga ee Lee Funeral Home waxaana la geeyay xarunta dhismaha barlamaanka ee dalka ee magaaladatan Nairobi.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa shacabka Kenya ku hogaamiyay daawadasha meydka madaxweynihi hore ee dalka Moi isagoona.
waxaana sido kale madaxweynaha dalka wehelinyay marwada koowaad ee dalka Magret Kenyaatta iyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Waxaana sido kale aqalka baarlamaanka dalka ku sugnaa hogaamiyaal kala duwan.
Madaweyne Kenyaatta ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee kor istaaga meyda Moi .
Meydka ayaa kujiray sanduq ku dubaan calanka qaraka Kenya marki dambana waa laga soo saaray.
Waxaa aad loo adkeeyay amniga dhisma baarlamaanka, halkaas oo waddooyinku xiran yihiin, iyada oo dadweynaha loo oggol yahay kaliya in ay lugeeyaan oo safaf ka samaystaan binaanka dhismaha barlamaanka si u arkaan meydka.
Xoghayaha Wasaaradda isku duwida howlaha qaran Dr Karanja Kibicho ayaa sheegay in qofna loo diidi doonin fursad uu ku arko Meydka Moi, wuxuuna ballan qaaday in amniga aad loo adkeyn doono malmaaha lagu baroor diiqayo madaxweynihi hore ee dalka.
Waxaa sidoo kale xiran waddonyinka soo galo xarunta barlamaanka ee dalka iyo wadada Kenyatta Avenue.
Taliyaha ciidamada booliska dalka Hilary Mutyambai oo warbaahinta kula hadlay Jogoo House ayaa sheegay in la xiri dooni wadooyiin ka mid ah magaaladatan Nairobi maalinta talaadada iyo Arbacada si ay si habsami leh ugu dhacaan aaska Moi.
waxaa uu sido kale sheegay in la xiri doono wadada isku xirta Nairobi iyo Eldoret.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here