DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka digay in la dafiro amarrada Dowladda

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta digniin adag u diray cid kasta oo iska dhaga tirto amarrada iyo tallaabooyinka ay soo saartay Dowladda dhexe ee lagu doonayo in lagu xakameeyo faafidda Coronavirus ee loo yaqaano Covid-19 .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabo sharciyeed laga qaadaya cid kasta oo diidda inay u hoggaansato amarka ah in qofku uu si iskii ah isku karantiilo

Hoggaamiyaha dalka ayaa ku nuuxnuuxsaday in marka la eego xaaladda jirta aan marnaba la fududeysan Karin waxyaabaha ay ku talinayaan maamullada caafimaadka.
Hadalka Mr. Kenyatta ayaa imaanaya kaddib markii galinkii dambe ee shaalay wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe uu ku dhawaaqay tallaabooyin dhowr ah.
Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah inaynan furnaan goobaha lagu caweeyo.
Sido kale waxaa la joojiyay isku imaatinka dadweynaha sida kaniisadaha, masaajidda , aroosyada iyo kulamada kale.
Aroosyada waxaa la ogol yahay oo keliya inay ka qeyb galaan dadka dhalasho ahaan ugu dhow qofka dhintay waxaana la doonaya inaynan ka badnaan 15 qof.
Maqaayadaha waxaa ay u furnaanayaan oo keliya in laga qaato adeegyada kala duwan ee aan hoteelka dhexdiisa lagu isticmaalin sida cunnooyinka iyo cabitaannada.
Sido kale lama ogolo in la isugu yimaado waddooyinka halka gaadiidleyda laga dalbaday inay yareeyaan tirada rakaabka ee baabuurtooda raacaya sido kalena ay xaqiijiyaan in rakaabka aynan isku dhawaan.
Dhanka kale Mid ka mid ah gaadiidleyda dalka ayaa Dowladda ugu baaqaya inay xuduudaheeda xirato si dad ka yimid wadan kale aynan cudurka u soo gudbin.
Cod-mid ka mid ah gaadiidleyda
Abaanduulaha booliska ee dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa shalay ciidamada ammaanka ku amray inay go’aamadan sida ay yihiin u dhaqangeliyaan , taasoo uu maanta madaxweynaha dalka sii xoojiyay.
Madaxweynaha dalka ayaa sido kale shaaciyay heshiis la xiriira isgaarsiinta oo shacabka u fududeyn doonto adeegsiga intarneetka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here