DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka hadlay imtixaannada qaran

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ku baaqay in ardayda u fariisanaya imtixaanaadka shahaaddiga ee KCSE iyo KCPE ee sannadkan aysan walwalin maadaama tallaabooyin la qaaday si loo hubiyo inay imtixaannada sameeyaan waqtigii loogu tala galay.
Hoggaamiyaha dalka oo warbaahinta u warramay ayaa xusay in mowqifka dowladda uu hadda yahay in ardayda ay imtixaanka u fariistaan hasa ahaate isbeddelada kaliya ee la eegaya ay tahay gorta ay imtixanaadka sameyn doonaan iyo sidii ula qabsan lahaayeen waqtiga ka lumay.

Waxaa uu qorshuhu yahay in imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE –da uu billowdo 30-ka bisha Tobnaad ee Oktoobar halka midka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KPCE-da uu billaaban doono 27-ka Oktoobar sida uu tilmaamaya jadwalka golaha imtixaanaadka qaran ee (KNEC).
Xarumaha waxbarashada ee dalka ayaa albaabada la isugu dhuftay 15-kii bishii hore ee maarso kaddib markii 13-kii bishaas gudaha wadanka lagu arkay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Covid-19
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaan dhanka kale shaacin xilliga ay dib u u furmayaan xarumaha waxbarashada ee weli xiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here