DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka hadlay qaar ka mid ah qodobbada warbixinta BBI

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shacabka Kenyaanka ah ka codsaday inay garab ku siiyaan sidii loo dhaqangelin lahaa isbeddellada dastuuriga ee lagu soo jeediyay warbixinta guddiga dib u heshiiniinta iyo mideynta dadweynaha ee BBI.
Xilli uu maanta ku sugnaa hoolka bulshada ee Pumwani Social Hall oo ku yaalla xaafadda Majengo ee ismaamulka Nairobi ayuu hoosta ka xarriiqay in warbixinta BBI laga dhaxli doono faa’iidooyin faro badan.
Waxaa uu xusay in waxyaabaha xal loo heli doono ay ka mid yihiin doorashooyinka lagu kala qaybsamo , caqabadaha haysta dhallinyarada ganacsatada ah iyo ardayda laga dalbado inay bixiyaan deymaha guddiga HELB iyagoo aan weli shaqo billaabin.

Mr. Kenyatta oo ka digay hadallada siyaasiyiinta ee shacabka kala qaybin karo ayaa dhanka kale sheegay inuu ku dadaali doono in la heshiisiiyo madaxda arrimaha siyaaadeed isaga soo horjeeda .
Waxaa uu xusay inuusan hubin inuu ku guulaysanaya balse uu dadaal gelin doono.

Hoggaamiyaha dalka ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu guddoomiyay munaasabad ay heshiis iskaashi ku wada saxiixanayeen ururka badqabka mootooleyda dalka ee (BAK), maamulka CMA , shirkadda tamarta ee Rubis iyo NABO Capital.
Qof kasta oo xubin ka ah ururka BAK ayaa maalin waliba bixin doono 50 shilin 50 si ay ugu suurtagasho inuu qiimo uu awoodo ku helo adeegyada iyo badeecooyinka dhinacyada maanta heshiiska saxiixday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here