DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo Kenyaanka ka codsaday inay meelmariyaan BBI-da

Madaxweynaha dalka Mudane Uhuru Kenyaatta oo maanta mas’uuliyiinta dalka ku hogaaminayay munaasbadda lagu soo bandhigayay BBI-da ayaa sheegay in la doonayo in Kenyaanka la mideeyo si aysan u soo laaban is-qabqabsi siyaasadeed taas oo sida uu sheegay laga soo gudbay.
Madaxweyne Uhuru Kenyaatta ayaa ka dhawaajiyay in BBi-da lagu qeybsaneyn dowladda ay dani ugu jirto Kenyaanka.
Waxaa uu ugu baaqa Kenyaanka inay ka shaqeeyaan amaanka oo ayna ku dadaalaan nabadgalyada.
Waxaa uu u mahadceliyay ra’isul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa William Ruto.
Mar uu madaxweynaha soo hadal qaaday Ruto ayuu ugu baaqay inuu dajiyo siyaasadda inta laga gaarayo doorashada 2022-ka.

Mr kenyaatta ayaa Kenyaanka ka codsaday inay taageraan BBI-da

Dhanka kale madaxweyne Ku xigeenka dalka oo goobta ka hadlay ayaa ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo warbixinta BBi isagoona su’aalo badan ka keenay.
Dr Ruto waxaa uu su’aal galiyay madaxbanaanida booliska taas oo lagu soo jeediyay warbixinta BBI.
Waxaa uu soo qaatay dastuurkii dalka 2010-kii isagoona sheegay in dastuurka uu qorayo in booliska uu ka madxbanaan yahay siyaasadda.
Madaxwqeyne ku xigeenka ayaa Sharaf dhac ku tilmaamay in booliska ay ku milmaan siyaasada dalka ka taagan.
Hogaamiyaha labaad ee dalka ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto dhalinyarada shaqo la’aanta ah kuwaas oo uu sheegay inay u baahan yihiin garabqabasho.
Dhankiisa Raila Odinga ayaa sheegay in warbixinta BBI-da ay ku saleysan tahay mideynta kenyaanka.
Waxaa uu sheegay in wadahadalkooda isaga iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ay ahayd sidii dalkani Kenya nabad looga dhigi lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here