DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo Kenyaanka ku hoggaaminaya duco qaran

Madaxweynaha dalka Uhuru kenyaatta ayaa hadda kenyaanka ku hoggaaminayaa xaflad duco ah oo ka dhacaysa aqalka madaxtooyada dalka ee State House.
Ku xigeenkiisa William Ruto ayaa isagana ku sugan munaasabadda ducada ah.
Arabacadii ayay ahayd markii uu madaxweyne Uhuru kenyaatta ku dhawaaqay in dalka loo qabanayo 3 malamood oo duco ah si uu Eebe uga dulqaado culesyada heysta Kenya.
Maanta ayaa ah maalintii labaad uu dalka ku guda jiro duco qaran iyadoona ay shalay bilaabmatay.
Berri oo Axad ah ayaa la soo gabagabeyn doona ducada qaran ee loo samaynayo dalka.
Shalay ayay ahayd markii uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr Fred Matiangi uu shaaciyay in maanta ee tahay maalin fasax dadweyne oo ay shaqooyiin jirin.
Hoggaamiyaal kala duwan oo diimeed ayaa ku sugan goobta lagu qabanayo xafladda ducada ah .

Madaxda dalka ayaa Kenyaanka ku dhiiragalinaya inay tagaan goobaha cibaadada oo ay dalkana u duceeyaan.
Madaxweynha dalka Uhuru kenyaatta ayaa kenyaanka ugu baaqay inay ku dadaalaan midnimada oo ayna iska fogaan kala qeybsanaanta.
Ducadan ayaa imaanaysa iyada oo uu dalka la daaladhacayo xanuunka CoronaVirus iyo siyaasadda dalka ka jirta oo waji cusub yeelatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here