DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo kulan la qaadanaya barayaasha sare ee jaamacadda Harvard

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee magaaladatani Nairobi kulan kula qaadanaya 35 ka mid ah barayaasha sare ee jaamacadda Harvard ee Maraykanka.
Aqoonyahaanada ayaa dhammaantood wax ka dhiga kuliyadda culuunta ganacsiga ee jaamacaddaasi.
Waxay wararku intaasi ku darayaan inay dalka u yimadeen si ay wax uga ogadaan hoggaanka Mr. Kenyatta gaar ahaan qaabka uu ugu dadaalayo kobac dhaqaale.
Kulanka ayaa la filayaa inay ka soo baxaan qodobo ku aaddan sida iyadoo aqoon iyo khibrad la adeegsanayo labada dhinac ay isaga kaashan karaan sare u qaadidda howlaha ganacsiga.
Dhanka kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Jubilee ee taabacsan ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xoghayaha maamulka talada haya Mr. Raphael Tuju ugu baaqay inuu iscasilo.
Arrintan ayaa timid kaddib markii uu dusay cod la rumeysanyahay inuu yahay wada shekeysi dhex maray Tuju iyo mid ka mid ah siyaasiyiinta Kiambu oo horay xildhibaan u soo noqday.
Labadan siyaasi ayaa lagu eedeyay inay ka wada hadleen arrin lagu tilmaamay qorsho la doonayo in Ruto looga hor istaago la wareegidda talada dalka sannadka 2022-ka.
Hasa ahaate eedeyntaasi ayaan weli si rasmi ah loo xaqiijin iyadoo xoghayaha Jubilee ee farta lagu fiiqayo uunan ka hadlin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here