DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo lagu wargeliyay kulanka BBI ee Nakuru

Barasaabyada ismaamullada gobolka Rift Valley ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta waxay faahfaahin ka siiyeen kulanka la qorsheyay inuu 21-ka bishan ka dhaco Nakuru.
Waxay u sheegeen inay si buuxda u taagerayaan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI .
Madaxda ayaa intaas ku daray inay isku soo baxa ismaamulka Nakuru uga faaiidaysan doonaan inay dadweynaha ku wacyigeliyaan muhiimadda ay leedahay inay fahmaan isbeddellada wadanka ka jiro.
Tani ayaa timid iyadoo shalay guddiga BBI uu soo gabagabeeyay kal fadhiyo uu la yeelanayay mas’uuliyiinta ururrada iyo maamullada kala duwan.
Madaxdii soo jeedinadooda u gudbiyay xubnaha BBI waxaa ka mid ahaa siyaasiyiinta aqalka sare , kuwa deegaankaa Ijara ee ismaamulka Garissa iyo wakiillada haweenka ee dowlad deegaannada dalka sida uu faahfaahinayo Cabdiqaadir Shariif.

Dhanka kale barasaabka ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka Dr. James Nyoro ayaa hoggaamiyaasha kala duwan ugu baaqay inay diiradda saaraan ka shaqeynta danaha shacabka oo ayna ka fogaadaan in lagu sii kala qeybsamo kulamada BBI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here