DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo looga mahadceliyay bixinta dhulalka

Shalay ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka Mr Uhuru kenyaatta uu siiyay dad gaaraya 38,000 sabar loogooyiin.
Wasiiradda wasaaradda dhulalka ee dalka Farida Koraney ayaa uga mahadcelisay madaxweynaha dalka bixinta dhulalka.
Waxayna sheegtay in madaxwyne Uhuru Kneyatta ka wasaaradda ahaan uu garab istaagay oo uu ku garab qabtay dhanka dhaqaalaha.
Mr Kenyatta ayaa shalay hadal ka jeediyay Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee (KICC) halkaas oo uu sabarlooga siinayay 38,000 oo qof oo ka soo kala jeeda Embakasi Ranch, Tassia iyo Korogocho.
Hoggamiyaha dalka ayaa ku booriyay siyaasiyiinta inay ka fogaadaan waxyaabaha dalka hormarka u diidi karo sida in la adeegsado siyaasad aan loo baahneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here