DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo maanta tagaya ismaamulka Uasin Gishu

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta la filayaa inuu socdaal ku tago dowlad eegaanka Uasin Gishu ee gobolka Rift Valley.
Waxaa uu halkaasi si rasmi ah uga furayaa warshadda dharka soo saarto ee Rivatex.
Booqashada hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa ku soo beegmaysa iyadoo la hadal hayo kala qeybsanaan ka dhex jirto xisbiga talada haya ee Jubilee.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta taabacsan madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ku doodaya in Mr. Kenya uu iska fogeynayo ku xigeenkiisa .
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sido kale lagu wadaa inuu goobjoog ka noqdo munaasabad lagu soo bandhigayo qalab casri ah oo ay warshaddaasi adeegsan doonto.
Xildhibanaka laga soo doortay deegaanka Kapseret ee ismaamulkaasi , Oscar Sudi iyo dhigiisa Soy Caleb Kositany oo labaduba aad ugu dhow ku xigeenka madaxweynaha ayaa sheegay inay diyaar u yihiin soo dhaweynta hoggaamiyaha dalka.

 

Qaar ka mid ah shacabka ismaamulka Uasin Gishu ayaa dhanka kale muujiyay dareenkooda ku aaddan safarka madaxweynaha iyo waxyaabaha ay uga dhigan tahay warshadda xariga laga jarayo

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here