DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo qudbad qaran jeediyay isagoona ka hadlay xaaladda dalka ee COVID-19

Madaxweynaha dalka Mudane Uhuru Kenyaatta oo maanta khudbad qaran u jeediyay Kenyaanka ayaa ka hadlay xaaladda uu dalka ku sugan yahay iyo cudurka sii faafayo.

Madaxweyne Uhuru Kenyaatta waxaa uu sheegay in dalka uu dagaal kula jiro cadow qarsoon Kenyaankana looga baahan yahay inay hal meel uga soo wada jeestaan.

Intaas ka dib waxaa uu hogaamiyaha dalka kenyaanka ugu baaqay inay ka feejignaadaan xanuunkan oo ayna raacaan talooyiinka wasaaradda caafimaadka .

Mr Kenyaatta waxaa uu sheegay in 280 oo kenyaanka ay naftooda u waayeen cudurka Corona Virus kuwaas oo uu u baroordiiqi doono.

Madaxweynaha dalka ayaa u sheegay Kenyaanka in qof walba uu waajibaad iska saaro xanuunkan halista ah .

Haatana aan idin dhagaysiiyo qaar ka mid ah khudbada madaxweynaha dalka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here