DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo shacabka ugu baaqay inaynan fududeysan cudurka Covid-19

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shacabka ku booriyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan si ay uga badbaadaan cudurka covid-19 ee uu sababo caabuqa coronavirus.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in gudaha dalka uu ka jiro cudur ka soo billowday wadan kale balse dunida oo dhan saameyntiisa laga dareemaya.

Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu maanta jeediyay khudbad ku aaddan xuska maalinka caalamiga ee shaqaalaha.
Mr. Kenyatta oo khudbadda jeediyay isagoo ku sugan madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa dhanka kale xusay in dabagal lagu sameynayo qaabka loo isticmaalaya lacagaha loogu talagalay la tacaalidda covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here