DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in berri laga hadli doono arrimaha BBI

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta xilli uu ku sugnaa kaniisadda PCEA Tumutumu ee ismaamulka Nyeri gobolka bartamaha wadanka sheegay in berri faahfaahin laga bixin doono isbedellada dastuuriga ee lagu soo jeediyay warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qodobbada la hadal hayo ay yihiin kuwo dhaqangelintooda dani ugu jirto dadweynaha iyo dalka.
Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale xusay in ururrada iyo mas’uuliyiinta diimeed ay kaalin weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada
Waxaa uu mas’uuliyiinta ku booriyay inay ka go’onaato ugu adeegidda shacabka oo ayna iska ilaaliyaan wax kasta oo ay dhibaato ka dhalan karto.
Hoggaamiyaha dalka ayaa ku nuuxnuuxsaday inay ku dadaalayaan sidii dalka ay xasilooni uga jiri lahayd si loogu tallaabsado horumar la taaban karo .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here