DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in ramadaanka aan la kordhin doonin saacadaha bandowga

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo warbaahinta la hadlay ayaa carrabka ku dhuftay inaynan suurtagal ahayn in bisha Ramadaan gudaheeda isbeddel lagu sameeyo bandowga habeenkii wadanka ka jiro.
Mr.Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in xaaladda adag ee jirta awgeed bandowga uu sii shaqeynaya inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya maalmo un kaddib markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo culimada gobolka xeebta ay Dowladda dhexe ka codsadeen in xilliga uu bandowga billowdo lagu kordhiyo laba saacadood oo laga dhigo 9-ka fiidnimo.
Waxay baaqooda ku saleeyeen inay lagama maarmaan tahay in muslimiinta danyarta ah ee ay walaalahooda afuriyaan fursad loo siiyo inay guriyahooda dib ugu laabtaan.
Sido kale wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa horay muslimiinta ku booriyay inay fahmaan khatarta cudurka Covid-19 ee dalka iyo dibadaba ka jirto oo ay u dulqaataan amarrada dowladda ee lagu xakameynayo faafitaanka cudurka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here