DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo si rasmi xariga uga jaray marinka casriga ee tareenada SGR-ka.

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray wajiga labaad ee marinka casriga ee tareenada ee SGR-ka.
Mashruucan ayaa dhismihiisu gacanta lagu hayay muddo saddex sano ah.
Khadkan oo isku xiri doono magaalooyinka Nairobi iyo Naivasha ayaa waxaa adeegsan doono rakaab iyo in sido kale in lagu daabulo xamuulka noocyadiisa kala duwan sida uu sheegayo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta.

Madaxweynaha dalka mudane Uhuru Kenyaatta ayaa ka warbixiyay wadooyiin la dhisi doono waxaa uuna sheegay in dhalinyaradda shaqo la’aanta ah ay ka faa’idaysan doonaan.

 

Sido kale madaxweyne Uhuru Kenyaatta ayaa ugu baaqay Kenyaanka in siyaasiyiinta ay u adeegsanin dagaal .

 

Khadka tareenada ee Nairobi ilaa Naivasha ayaa la dhisayay tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii 2016-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here