DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo siyaasiyiinta ugu baaqay inay ka shaqeeyaan mideynta shacabka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed ku booriyay inay xoogga saaraan sidii loo xoojin lahaa midnimada ka dhexeysa bulshooyinka kala duwan ee wadanka ku nool.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ka shaqeynta nabadda iyo wadajirka ay kaalin weyn ka qaadanayso in lagu tallaabsado horumar wax ku ool ah.
Mr. Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday in doorashooyin la qabto lagana gudbo sidaasi awgeed aan loo baahneyn in marnaba kenyaanka la kala qeybiyo.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in wada shaqeynta ka dhexeysa isaga iyo madaxa mucaaradka dalka Raila Odinga ay tahay mid ku saleysan mideynta dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here