DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo waaxyaha ammaanka amray inay wada shaqeyaan

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa saraakiisha waaxyaha kala duwan ee amniga ku amray inay si dhow u wada shaqeyaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani ay fududeyn karto sugidda ammaanka dalka.
Ciidamada booliska ayuu si gaar ah ugu baaqay in iyagoo adeegsanaya sharciga wadanka ay sida ku habboon ula tacaalaan rabshadaha iyo fal kasta oo horseedi karo xasilooni darro.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhanka kale sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in si weyn loo qalabeeyo booliska sidoo kalena la siiyo tababarrada , hubka iyo dhaqaalaha ay kaga adkaan karaan cadowga.

Hadalkan ayuu ka jeediyay ismaamulka Kajiado xilli uu guddoominayay munaasabad ay ku qalin jabinayeen ciidamo ka tirsan booliska oo tababar dheeraad ah qaatay.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa dhankiisa madaxweyne Uhuru uga mahadceliyay dadaalka uu ku bixinayo xaqiijinta badqabka shacabka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in faa’iidooyin laga dhaxlay maalgelin ay dowladdu ku sameysay waaxyaha ammaanka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here