DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo xariga ka jaraya warshad tamarta soo saareysa

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta la filayaa inuu si rasmi ah xariga uga jaro warshad iyadoo la adeegsanaya awoodda dabeysha soo saari doonto tamar.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Mrs. Kanze Dena Mararo ayaa shir jaraaid oo ay qabatay arrimahan uga hadashay.
Waxay carrabka ku adkeysay in maamulka talada haya ee Jubilee uu diiradda saarayo arrimaha tamarta iyo dhallinta korontada si sare loogu qaado wax soo saarka.

Maamullka Jubilee ayaa xilligii lagu guda jiray ololihii doorashada guud, Kenyaanka u ballanqaaday inuu wax ka qaban doono afar arrimood oo waweyn oo wax soo saarka uu ka mid yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here