DHAGEYSO:Madaxweynaha Galmudug oo daahfuray dhismaha Golaha deegaanka ee Cadaado

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor)

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) oo dhawaan Safar deg deg ah ku tagay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ayaa magaalada Cadaado ka daahfuray dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Maamulka Galmudug.
Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa gudiga soo dhisida golaha deegaanka Cadaado iyo dhamaan Qaybaha kala duwan ku booriyay inay dadajiyaan howlaha dhismaha golaha deegaanka Magaalada Cadaado oo horay u lahayd Gole deegaan oo hada uu mudo xiloodkoodu dhamaaday.

Gudoomiyaha degmada Cadaado iyo qaar ka mid ah masuuliyeenta deegaanka ayaa amaanay qorshaha lagu dhisayo golaha deegaanka waxayna sheegeen inay waxbadan ka caawin doonto dadka deeganka sidoo kalena ay soo dhawaynayaan in degmada Cadaado loo hormariyo dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here