DHAGEYSO:Madaxweynaha Galmudug oo faahfaahiyay wajiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa khudbad ka jeediyay Xafladda Gunaanadka Shirka Wadatashiga dhuusamareeb oo ay ka qeyb galeen Madaxda maamul goboleedyadda.
Waxaa uu sheegay in Shirka maamul goboleedyadda uu kusoo dhammaaday si wanaagsan, islamarkaana maalmaha soo socda uu furmi doono Shir kale oo ay kasoo qeyb gali doonaan Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay aqbaleyn dalabkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ee ku aadanaa inay ka qeyb galaan shir looga tashanayo Arrimaha doorashooyinka,kaas oo lagu qabanayo Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa dhamaantood ku sugan Magaalada Dhuusamareeb,waxaana qodobada ku jiray Warmurtiyeedkii ay soo saareen kamid ahaa in Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ka tashadaan Arrimaha doorashooyinka iyo Amniga.
Madaxweyne Qoor-Qoor oo ka hadlaya furitaanka wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb ayaa yiri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here