DHAGEYSO:Madaxweynaha Galmudug oo Gogol Nabadeed uga dhawaaqay Balanbale

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay ku hoyday degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ayaa halkaasi waxaa uu kaga dhawaaqay in la qabanayo Shir dib u heshiisiin ah oo ay isugu imaanayaan dadka deegaankaas ee wax kala tabanaya.
Madaxweyne Qoor Qoor waxaa uu sheegay in degmada Balanbale ay qeyb ka noqon doonta degmooyinka Galmudug ee loo qorsheeyay in laga fuliyo mashaariic kala duwan,isla markaana la dhigi doono Gogosha shirweynaha lagu heshiisiinayo beelaha kala duwan ee dega degaannada Maamulka Galmudug.
Waxaa uu intaas uu ku daray in marnaba aan la ogolaan doonin isku dhacdyada beelaha dhexdooda ah, taasina ay soo dhamaatay,sidoo kalena madaxda Galmudug ay si dhab ah dadka u heshisiin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here