DHAGEYSO:Madaxweynaha Galmudug oo ka digay dagaal beeleedka iyo amaan darada

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa si kulul uga hadlay dagaal Beeleedyada ku soo laab laabta deegaanada Maamulkaas.
Waxa uu sheegay in Xukuumad,Baarlamaanka iyo guud ahaan Shacab deegaanada Galmudug looga baahan yahay inay gacmaha isqabsadaan kana Shaqeeyaan Amniga,sidoo kale ka hortagaan dagaal beeleedyada kuna dhaqaaqaan xoreynta deegaannada ka maqan Galmudug eek u jira gacanta Al-shabaab.
Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor waxaa uu intaas ku daray in maamulkiisa ay ka go’an tahay in Gudaha deegaannada Galmudug laga cirib tiro dagaal beeleedyada soo laab laabta.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inaysan aqbaleyn deegaano iyo dhulal la isku qabsado taasoo sahli karta inay dagaal beeleedyo dhacaan,isla markarkaana dhibaato loo geysto in qof muwaadin ah oo aan waxba galabsan.

Hadalka Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Bilihii la soo dhaafay deegaannada Maamulkaas ay kusoo bateen Colaad beeleedyo wallow qaarkood xal laga gaaray.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay heystaan deegaano badan oo kamid ah Maamulkaas,isla markaana dadka ku nool deegaanadaas ay ku qabaan dhibaatooyin kala duwan.
Waxaa uu xusay inay Galmudug diyaarineyso qorsho amni, iyagoo kaashanaya Ciidamada dowladda si loo abuuro qorsho amni,sidoo kalena ay diyaar u yihiin inay la yimaadaan qaabkii deegaanada Maamulka Galmudug looga Saari lahaa AL-shabaab.
Sidoo kale waxa uu Tilmaamay in Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug ay diyaar u tahay inay bilaawdo howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab,oo looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin maamulkaasi.

Hadalkan ayaa Wasiirka Wasaaradda Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa hadalkaan ka sheegay kulan Madaxweynaha Galmudug uu la qaatay xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Galmudug oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here