DHAGEYSO:Madaxweynaha Galmudug oo ka digay in la fashiliyo shirka Dhuusamareeb

Ayadoo shan Cisho oo kaliya ay naga xigto Xiligii loo qorsheeyay inuu Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug ka furmo wajiga sadexaad ee shirka Madaxda Maamulada iyo dowlada dhexe ay isugu imaanayaan ayuu Madaxweynaha Maamulka Galmudug wuxuu ka digay isku day kasta oo shirkaas lagu fashilinayo.
Madaxda Soomaaliyeed ee ka qayb gashay shirka Labadii Waji ee hore ayuu u mahadceliyay Wuxuuna sheegay in shacabka iyo Masuuliyiinta Galmudug ay shirarkii hore ku agaasimeen wada jir mudo aad u koobnayd,kan soo socdana ay si weyn ugu diyaaroobeen.
Axmed cabdi Kaariye Qoor Qoor Madaxweynaha Maamulka Galmudug wuxu sheegay inay dhamaan mid mid ula Xiriireen Madaxda Soomaalida ee laga doonayo inay shirka Ka qayb Galaan uuna ka rajaynayo inay ku yimaadaan xiligii loogu tala galaya ayadoo la xirgalinayo diyaargarowga ay shacabka iyo Masuuliyiinta Galmudug Sameeyeen iyo sida ay muhiim u tahay in arimaha dalka Soomaaliyeed hal meel wada jaheeyo ayadoo laga gudbayo kala aragti duwanaanta Jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here