DHAGEYSO:Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay Golihiisa wasiirada

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa magacaabay golihiisa wasiirada oo ka kooban 23 wasiir, kuwaas oo ay ka dhex muuqdaan xubno caan ah oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida Xildhibaan Axmed Macalin Fiqhi iyo Xildhibaan Saabir Shuuriye Nuur.
Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada dhuusamareeb ayaa ka hadlay aragtidood ku saabsan wasiirada cusub ee Galmudug ayadoo qaarkood ay dhaliileen in xubno ka tirsan baarlamaanka Fedraalka ah ay ka soo dhex muuqdeen wasirada Galmudug.

dastuurka federaalka Soomaaliya ma qeexayo qofku haddii uu jagada wasiir ka qabto dowlad gobaleed inuu wayn karo xilkiisa xubinimada baarlamaanka iyo inkale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here