DHAGEYSO:Madaxweynaha Galmudug oo sheegay inay maamukiisa waa cusub u baryay

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in tan iyo markii loo doortay hogaanka maamulkaas uu waday qorsho ku aadan xalinta khilaafkii kala dhexeeyay dadka kasoo horjeeday,isla markaana caqabadahaas qaar badan oo ka mid ah laga gudbey.
Waxaa uu sheegay inuu isku dayay in Cid walba uu ka xaliyo tabashadii ay qabtay, si kastoo ay noqotana haatan taasi laga gudbay,Isagoo Tilmaamay in Galmudug uu hada waa Cusub u baryay.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee aan wali la Caleemo Saarin Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa intaasi ku daray in dadka Reer Galmudug looga baahan yahay inaysan dheg jalaq u siin dad uu sheegay inay ku mashquulayaan siyaadda Galmudug maadaama aysan Bulshada deegaanka wax dan u ah ka shaqaynayn.

Dhanka kale waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamul Goboleedka Galmudug lagu wadaa inay Gaaraan Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.
Wafdiga wasiirka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka noqon doona Xubno uu kamid yahay Guddoomiyaha gudiga dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyo Xubno kale.
Wararka ayaa sheegaya in Magaalada Dhuusamareeb lagu qaban doono shir looga hadlayo Ololaha Wacyigelinta ee dib-u-eegista Dastuurka qaybyada ah ee Soomaaliya,si sare loogu qaado ogaalka bulshada ee ku aadan dib-u-eegista dastuurka iyo inay aragti ku yeeshaan arrimaha dib-u-eegista sharuucda dalkooda Hooyo.
Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ayaa horay waxaay shirar ku saabsan Ololaha Wacyigelinta dib-u-eegista Dastuurka ku qabatay qaar ka mid ah Xarmaha Maamul Goboleedyada dalka Kajira sida Magaalooyinka Baydhao iyo Jowhar ee maamulada Koonfur Galbeed iyo hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here