DHAGEYSO:Madaxweynaha Galmudug oo sheegay inay Shabaab ka saarayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin

Munaasabad ballaaran oo lagu Taageerayay Qodobadii kasoo Baxay Shirkii Dhuusamareeb Saddex ayaa xalay lagu qabtay Fagaaraha Shiirkole ee Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Maamulka Galmudug.
Munaasabaddaan waxaa soo agaasimay maamulka degmada Dhuusarmareeb, iyadoona ayna ka soo qeybgaleen Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Goddoomiyaha Golaha Wakiilada Maxamed Nuur Gacal, Xubno ka tirsan goleyaasha Xukuumadda iyo Barlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada halkaas ku nool.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Munaasabadda ka jeediyay Khudbad ayaa sheegay in Galmudug ay guul ka gaartay Shirkii Dhuusamareeb Saddex oo ay kasoo baxeen qodobo ku aadan hanaanka doorashooyinka dalka Soomaaliya loo wajahayo.
Qoorqoor ayaa sidoo kale tilmaamay in Galmudug ay qaadi doonto howlgallo waa weyn oo Al-Shabaab looga saarayo degmooyinka ay wali gacanta ku hayaan ee ku yaalla gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Waxaa uu xusay in loo baahan yahay taageerada Shacabka si loogu guuleysto in degmooyinka Xarardheere, Ceelbuur iyo Ceeldheer dib loogu soo celiyo gacanta maamulka Galmudug.

Deegaano badan oo ka tirsan gobolada Mudug iyo galgaduud ayaa waxaa gacanta ku haya dagaalameyaasha Al-shabaab waxaay halkaas ka fuliyaan weeraro ayadoo dhowr mar oo hore ay Masuuliyiinta Maamulka Galmudug sheegeen inay deegaanadaas ka saari doonaan shabaabka ku sugan wallow aan howlgalkaas si buuxda wali loogu guulaysan.
Dhanka kale Wasaaradda Qorsheynta Maamulka Galmudug ayaa hay’adaha samafalka heerarkooda kala duwan kala tashanaysa xeerka hay’adaha gargaarka.
Xeerkaan oo lagu wado in dhawaan la horgeeyo Wasiirada iyo Baarlamaanka Maamulkaas Ayay wasiirka iyo wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta Maamulka Galmudug waxay sheegeen inay ka hor inta aan goleyaashaas loo gudbin ay wadatashiyo kala samaynayaan hay’adaha uu sharcigaan quseeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here