DHAGEYSO:Madaxweynaha Galmudug oo sheegay inay waxbadan ku guulaysteen Mudadii ay xilka hayeen

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor oo xalay ka hadlayay Munaasabada lagu furayay kalfadhiga Baarlaamaanka Maamulkaas oo Dhuusamareeb ka dhacday ayaa sheegay in mudadii koobnayd ee Maamulkaas uu hogaaminayay ay gaareen guulo badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amaanka, Siyaasaadda iyo dhaqaalaha.
Qoor Qoor ayaa sidoo kale sheegay inay dajiyeen qorshe lagula dagaalamayo kooxaha amaanka lidiga ku ah ee ku sugan deegaanada Maamulka Galmudud.
Madaxweynaha Galmudug oo Khudbadiisa si aad ah uga hadlay arrimaha Ciidanka ayaa sheegay in Maamulkiisu uu ku guulaystay Xaraynta iyo Qaramaynta Maleeshiyo beeleed Fara badan oo isbaarooyin u yaaleen deeggaanno ka mid ah Galmudug mararka qaarna ay dagaalo dhexmari Jireen isagoo Tilmaamay in Tababaro loo furay dhawaana loo soo gabagabayn doono.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor ayaa sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dhaqdhaqaaqyada ay dagaalameyaasha Al-shababa ka bilaabeen deegaanno ka mid ah Gobolka Mudug gaar ahaan deegaanka Bacaadweyn iyo tuulooyinka Hoos yimaada ayana ka Maamul ahaan dajiyeen Istiraatiijiyada cad oo la xiriirta dagaalka ka dhanka ah kooxaha Nabadgalyada diidan.

Madaxweyne Qoor Qoor Wuxuu ka hadalay arrimaha dhaqaalaha Maamulka Galmudg wuxuuna hoosta ka xariiqay in mudadii koobnayd ee uu hoggaanka Maamulkaas hayay ay isbadal badan ka sameeyeen dhanka dhaqalaha ayna dajiyeen qaabka ugu wanaagsan ee Canshuuraha lagu qaadayo ayna dajiyeen qorshaha hormarinta dhaqaalaha Galmudug iyo shaqaalaysiinta hufan ee deegaanada Maamulkaas.

Ugu danbaytii Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa soo hadal qaaday guulihii Siyaasadeed ee laga Gaaray shirarkii Dhuusamareeb 1, 2 iyo 3 islamarkaana ay u taagan yihiin qancinta dhinacyadii ka maqnaa shirkii ugu danbeeyay si xal looga gaaro tabasho kasta oo jirta wuxuuna sheegay inay dhamaan guulihii ka dhacay Dhuusamareeb ay ahaayeen kuwa u gaar ah Galmudug.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here