DHAGEYSO:Madaxweynaha Galmudug oo shuruuc muhiim ah saxiixay

Munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa madaxweynaha Maamulkaasi wuxuu ku saxiixay shuruuc muhiim ah oo ay soo gudbiyeen wasaaradaha Maamulka Galmudug Qaarkood.
Sharuucda la saxiixay ayaa waxaa ka mid ah Shariga Maarreynta Deegaanka, Sharciga Hay’adaha, Sharciga Dhismaha Booliiska Galmudug iyo Sharciga Dowalaha Hoose.
Shuruucdan ayaa waxaa soo diyaariyey wasaaradaha kala ah; Deegaanka, Qorsheynta, Amniga, iyo Arrimaha Gudaha& Dowlaha hoose.
Munaasabadda saxiixa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Barlamaanka, Guddiyada joogtada ah ee Barlamaanka, Xubno ka tirsan labadda gole, Garsoorka, La- taliyeyaal & Hawlwadeenno ka sacday Madadaxtooyada.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabid Kaariye Qoor Qoor wuxuu Golaha Barlamaanka iyo wasiirada Galmudug uga mahadceliyey ansixinta shuruucdan, isagoo xusay in shuruucdaan ay gundhig u noqondoonto in si sharci ah xukuumaddu u fuliso hawlaha hortabinta leh ee loo igmaday.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in Xubnaha Golaha Wasiirada Galmudug & Hay’adaha kala duwan ee Maamulka looga baahan yahay inay Shaqooyinkooda si deg deg ah u qabsadaan.
Waxaa uu sheegay inay Jiraan wasaarado kala duwan oo Baarlamaanka u gudbiyay sharciyo muhiim ah iyo kuwo aan weli gudbin, waxaana uu Baarlamaanka ugu baaqay inay la xisaabtamaan Golaha Wasiirada & Hay’adaha kale ee Maamulkaas.

Hadalkaan ayaa Madaweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) waxaa uu ka sheegay munaasabad uu ku saxiixay sharcIyo dhowr ah oo ay horay u meel mariyeen Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here