DHAGEYSO:Madaxweynaha Galmuudg oo sheegay inuu la fariisanayo cidkasta oo Maamulkiisa dhaliilsan

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in Galmudug ay wajaheyso wada cusub oo horumar gaarsiin doonta,sidoo kalena ay ka Shaqeynayaan sugida Amniga Guud ahaan deegaannada Maamulkaas.
Waxaa uu sheegay in dib u heshiisiintii siyaasadeed ay ka gaareen guulweyn,hayeeshee cid allaala cidii tabasho qabta ee xumaan aan waxba ku dooneyn inay diyaar u yihiin inay qanciyaan.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in Koox kasta dadka deegaanka iyo Siyaasi walba ee tabasho qaba ay gacanta u haatin doonaan,isla markaana ay ilaalinayaan midnimada si loo ilaaliyo nabada Galmudug,waxaana uu Shacbaka ugu baaqay inay Maamulka la Shaqeeyaan.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Galmudug waaxa uu sheegay xalay xilli uu kulan la qaatay Xildhibaannada Cusub ee Dowlad goboleedka Galmudug,kulankaas oo ahaa mid uu uga mahad celinayay ansixintii Golihiisa Wasiirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here