DHAGEYSO:Madaxweynaha Hirshabeelle oo baaq u diray beelo dagaalamay

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo xalay ku hoyday degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo xal loogu raadinayo dagaal beeleedyada ku soo laab laabtay tuulooyinka hostaga degmada Warsheekh.
Madaxweyne Waare wuxuu sheegay inay nasiib darro tahay in xilligaan lagu dul dagaalamo dadka Shacabka ah,ayadoo dad mas’uuliyiin ah ay colaadaasi ku lug yihiin sidoo kalena ay fiirsanayaan beelaha walaalo isku deegaan ah oo dagaalamaya.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Waxaa uu soo hadal qaaday Oday 95 Sano jir ah oo lagu dilay tuulo hoostagta degmada Warsheekh, waxaana uu sheegay in dilkaas looga gol lahaa colaado horleh oo ka dhacda degmada Warsheekh iyo deegaanada hoos yimaada.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Bulshada ku nool degmada Warsheeh iyo tuulooyinka hoostaga ugu baaqay inay ka Shaqeeyaan nabaddda iyo horumarka degaankooda.

Degmada Warsheekh ayaa waxaay ka mid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe, hayeeshee waxaaa mararka qaar ka dhaca dagaal beeleedyo soo laab laabtay oo khasaareyaal kala duwan ay ka dhashaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here