DHAGEYSO:Madaxweynaha Hirshabeelle oo loogu baaqay inuu ka soo qayb galo shirkii uu Iclaamiyay Madaxweyne Farmajo

Guddoomiyaha Barlamaanka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo ka hadlayay munaasabad xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo lagu soo dhawaynayay Matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare inuu kasoo qeyb-galo shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha dowlada dhexe ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
Guddoomiye Cusmaan wuxuu sheegay inay muhiim tahay inuu shirka yimaado Madaxweyne waare maadaama uu yahay mas’uulka ugu sareeya Mamulka Hir-Shabeelle, isla markaana uusan ku xirmin Maamul Goboleedyada kale ee diiday ka qeyb-galka shirkaasi.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo isna Xalay Khudbad ka jeediyay Munaasabadaan ayaa sheegay in Shaqa kasta oo loo qabanayo dowladnimada Soomaaliya loona laabanayo ay yihiin Xildhibaannada Golaha Shacabka kuwa soo bilaabaya sidoo kalena gaarka ka haya Xeerarka wadanka iyo sharuucda shaqada lagu hagayo.
Waxaa uu sheegay in marnaba aan la aqbali karin in Baarlamaanka kasta markii uu Saddex sano Shaqeeyo wixii ka dambeeya la yiraahdo albaabada haloo laabo sidoo kale aysan wax suuragalaya ahayn in 10 qof iyo wax la mid ah ay Matalaan masiirka dadka Soomaaliyeed,waxaana uu si kulul uga hadlay arintaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here