DHAGEYSO:Madaxweynaha Hirshabeelle oo Sheegay in Fatahaadaha deegaanada Maamulkaas lagala hadlayo Ethopia

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabid Waare oo warbaahinta Kula hadlay Magaalada beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay Dowlada Ethopia kala hadlayaan dhibaatooyinka deegaanada Maamulkaas ku soo lalabtay ee la xiriira Fatahaadaha iyo Biyaha Wabiga oo mararka qaarkooda Guro kuwaasoo Caqabado waa weyn ku ah dadka deegaanadaas ku nool.
Madaxweyne Waare wuxuu hadalkaan sheegay in gudiga Fatahaadaha Beledweyne uu ku wareejinayay lacag dhan Hal Milyan boqol iyo Afartan kun oo Dollar oo dowlahada Soomaaliya iyo Jabuuti ay ugu deeqeen dadka Fatahaaduhu Saameeyeen ee ku sugan deegaanada Hirshabeelle Gaar ahaan Magaalada Beledweyne markasta ay Saamaynta ugu weyn Soo gaadho.
Madaxweyne Waare oo gudiga Fatahaadaha Beledweyne si rasmi ah ugu wareejiyay lacagihii loogu talagalay dadka fatahaaduhu Saameeyeen ayaa sheegay inay Meesha ka baxayso tuhunkii ahaa inuu dhaqaalahaasi isagu lunsaday oo ay horay ugu eedeeyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here