DHAGEYSO:Madaxweynaha Hirshabeelle oo soodhaweeyay howlaha dib u heshiisiinta ah ee Galmudug ka socda.

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa kulan la qaatay masuuliyiinka gobolka iyo kuwa magaalada isagoo kala hadlay arrimo la xiriira dhismaha golaha deegaanka degmooyinka kala duwan ee maamulka Hirshabelle.
Madaxweyne Waare ayaa Tilmaamay inay faa’iido badan ugu jirto shacabka degan degmooyinka kala duwan ee maamulkaas dhismaha golaha deegaanka,wuxuuna sheegay inay helayaan Mashaariic waaweyn oo ay ka Caawinayaan dowladda dhexe iyo maamulka labadaba.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabid Waare ayaa Ugu dambeyntii bogaadiyay qorshaha dowladda dhexe ee deegaanada Galmudug si gaar ah waxa uu sheegay inuu aad muhiim u yahay shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo xalay uu si toos ah u daah furay ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Somalia Madane Xasan Cali Kheyre wuxuuna sheegay inay si weyn u soo dhawaynayaan shirkaas maadaama maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ay darisyihiin Waxyaabo badana ay isaga Xiran yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here