DHAGEYSO:Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo loogu baaqay inay xalliyaan kala duwanaanshaha u dhexeya

Shacabka ku nool ismaamulka Kajiado ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto u soo jeediyay inay meesha ka saaraan farqiga u dhexeya ee dhanka wada-shaqaynta ah.
Dadweynaha ayaa xusay in aan xilligan loo baahneyn siyaasadda lagu kala qaybsamay ee xisbiga talada haya ee Jubilee.
Waxay carrabka ku dhufteen in la doonayo in hoggaamiyaasha ugu sarreeya dalka ay si dhow uga wada shaqeyaan danaha shacabka.
Sido kale Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu booriyay inuu u dhigo xubnaha golaha wasiirrada ee aan qadarin ku xigeenkiisa dhanka kalena xilli hore ku mashquulsan arrimo siyaasadeed.

Tan iyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii 2018-kii dhex maray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM , Raila Odinga waxaa jiray dareen iyo hadal hayn siyaasadeed oo ah in hoggaamiyaha dalka iyo ku xigeenkiisa uunan ka dhexeyn xiriirkii hoose ee looga bartay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here