DHAGEYSO:Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay heshiiska laga gaaray doorashada

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamad Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay heshiiskii dhawaan ay wada gareen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo,Madaxda Maamul goboleedyada iyo Maamulka gobolka Banaadir kaa soo lagu go’aamiyay Nooca doorashada ee ka dhici doonta Dalka Soomaaliya dhamaadka Sannadkaan 2020 ilaa bilowga sannadka Soo aadan ee 2021.
Axmed Madoobe wuxuu sheegay inay Go’aanadaasi ay ahaayeen Heshiis oo kali ah balse aysan Xeer ahayn sidaas darteedna Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka looga baahan yahay inay meel mariyaan heshiiska ay Wada gaareen Madaxweynaha dowladda dhexe iyo hoggaamiyeyaasha Maamul goboleedyada dalka Ka Jira.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamad Islaam Axmed madoobe wuxuu dhanka kale ka hadlay magacaabista Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble oo dhawaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada isagoo Baarlamaanka Soomalaiya ugu baaqay inay siiyaan codka Kalsoonida ayna si wanaagsan ula Shaqeeyaan si ay ugu Suuro gasho inuu waajibaadka Saaran guto, isagoo sidoo kale sheegay inuusan cidna dagaal siyaasadeed kula jirin.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamad Islaam Axmed madoobe Ayaa ka mid ahaa Madaxdii ka qayb gashay shirkii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee laga soo saaray go’aamada doorashada Soomaaliya nooca ay noqonayso wuxuuna hadalkaan ka sheegay kulan uu la qaatay Xildhibaanada Golaha shacabka ee deegaan Doorashadoodu Jubbaland tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here