DHAGEYSO:Madaxweynaha Konfur Galbeed oo Amaro caafimaad bixiyay

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa faray Guddiga Koonfur Galbeed u qaabilsan ka hortagga Coronavirus inay maalin walba Bulshada u soo gudbiyaan warbixino la xiriira xaalada Caafimaad ee ka jirta deegaannada maamulkaas.
Waxaa uu sheegay in sidoo kale wasaarada caafimaadka looga baahan yahay inay gurmadyo kala duwan gaarsiiso deegaannada ay kajiraan baahiyaha caafimaadka,sida, Afgooye, walanweyn ,deegaannada Gobolka Bakool, Qoyooley iyo MagaaladaMarka.
Dhamaan Xubnaha Guddiga ka hortaga COVID-19 ee Koonfur galbeed ayuu ugu baaqay Madaxweynuh inay dardar geliyaan howlahooda,isla markaana ay sameeyaan wacyigelin la xiriirta cudurka Coronavirus.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here