DHAGEYSO:Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo AMISOM u gudbiyay qorshe ka dhan ah AL-shabaab

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed caqabadaha ugu weyn ee ka jira ay ku hayaan Al-Shabaab,isla markaana degmooyin badan ay go’doomiyeen.
Waxaa uu Xusay in Maamulka Koonfur Galbeed uu xiligaan u baahan yahay in lagala Shaqeeyo sidii la isugu furi lahaa wadooyinka u xiran Al-Shabaab oo uu sheegay inay saameyn ballaaraan ku yeesheen degmooyinka maamulkaasi
Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay inay Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed kala Shaqeeyaan sidii dhamaan loo furi lahaa wadooyinka u xiran Al-Shabaab loogana saari lahaa degmooyinka ay heystaan.

Hadalkaan ayaa Madaxwyenaha Koonfur Galbeed waxaa uu ka sheegay munaasabad xalay lagu qabtey Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here