DHAGEYSO:Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Ciidamada amray howlgal shabaab ka dhan ah

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftaagreen ayaa ka hadlay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay degaannada Maamulka Koonfur galbeed oo ay Al-Shabaab ka geysteen degaano ka tirsan gobolada Baay iyos shabeelada Hoose.
Waxaa uu sheegay in weerarada ka dhacay degaannada Deeynuunaay & Goof-gaduud ay yihiin kuwo soo laab laabtay oo keeni kara culeys farabadan oo dhanka Amniga ah, isla markaana loo baahan yahay in tallaabo la qaado si xal waara loogu helo weerarada Al-shabaab ee deegaanadaas ku soo lalabta.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xassan Maxamed Lafta Gareen Waxa uu faray Ciidamada Dowladda dhexe iyo kuwa Maamulkaba inay qaadaan tallaabooyin la xiriira Ammaanj iyo inay Al-Shabaab ka saaraan degaannada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed Soomaaliya,isagoo sidoo kale Balan qaaday inay ciidamadaas loo dhamaystirayo agabyada ay u baahan yihiin xaquuqdoodana la xaqiijinayo.

Hadalka Madaxweynaha Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftaagreen ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli laabdii todobaad ee la soo dhaafay weeraro ay mas’uuliyin ku geeriyoodeen ay ka dhaceen degaano ka tirsan Gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here