DHAGEYSO:Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la Kulmay xildhibaanada labada aqal ee gobolkaas laga soo doortay.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa xalay lagu qabtay munaasabad oo uu soo agaasimay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Xildhibaannada & Senatarada kasoo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.
Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay sidii xal buuxa looga gaari lahaa xildhibaanada horay uga soo horjeeday doorashadii Madaxweyne Laftagareen, islamarkaana doorashada soo socotaa ay u noqon laheyd mid lagu wada qanacsanyahay.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed wuxuu sheegay inay la wada socdaan dhibaatooyinka laga soo maray dowladnimada, islamarkaana hanaan Cadaalad ay u dhici doonto doorashada labada Aqal ee degaanada Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Lafta Gareen wuxuu Tilmaamay in Kuraasta qaarkood dadka ku fadhiga looga xaq leeyahay, sidoo kale ay dad u dhintay, ayna tahay in la qadariyo laguna xushmeeyo ehelkooda.

Xildhibaanada ugu badan ayaa laga soo doortaa degaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana dalka dhawaan la isku raacay in doorashadiisa ay noqoto mid dadban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here