DHAGEYSO:Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shaaciyay Xiliga maamulkiisu Baraawe u soo wareegayo

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in Xubnihii ugu badnaa ee Wasiirada Koonfur Galbeed ay ku sugan yihiin degmada Baraawe ee Caasimada Rasmiga maamulkaas sidoo kalena la filayo inay ku Shaqeeyaan xarunta maamulka ee degmada Baraawe.
Waxaa uu Tilmaamay in dhamaan Xubnaha Golaha Wasiirada iyo madaxda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed u soo guurayaan Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Koonfur Galbeed,wasiir walbana uu diyaarsanayo halkii uu ku Shaqeyn lahaa.
Sidoo kale MadaxweynahaKoonfur Galbeed waxaa uu sheegay in Maamulkiisu uu qorshaha ugu jiro in la dhiso wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo degmada Baraawe si howlaha Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ay ka qabanayaan degmadaas ay u fududaato.

Hadalkaan ayuu Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) waxaa uu ka sheegay munaasabad soo dhawyen ah oo loogu sameeyey degmada Baraawe ee gobolka shabeelada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here