DHAGEYSO:Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo sheegay inay diyaarsan yihiin Ciidamadii isku furi lahaa wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeeed C/Casiis Xassan Maxamed Lafta Gareen oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga kula hadlayay Jaaliyadda Koonfur Galbeed ee Halkaas ku nool ayaa faahfaahin ka siiyay qorshah la dagaalanka AL-shabaab ee ka socda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Caqabada ka jira wadada Xariirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo halkaas oo Shabaabku ay ka gasytaan weeraro Waxyeelo reeba.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Kuwa Maamulka koonfur Galbeed iyo AMISOM ay u diyaarsan yihiin inay la wareegaan deegaanada ay shabaab gacanta ku hayaan ayna Fuliyaan howlgalo ay isugu furayaan wadada isku Xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here